Muqdisho(WRB)Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya maxkamadeynta ciidamo ka tirsan AMISOM, oo horey ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ay soo qabteen iyaga oo iibinaya raashin iyo shidaal loogu talo galay AMISOM.
Ciidamada la maxkamadeynayo waxaa sidoo kale ku jira saraakiil sar sare, waxaana wadarta guud ay tahay 17, iyadoo haatan la xukumay mid kamid ah saraakiisha.
Ciidanka la qabtay iyagoo iibinaya shidaal iyo raashin AMISOM ay leedahay waxaa maxkamadeynaya maxkamada ciidamada Uganda.
Askar ka tirsan AMISOM ayaa hore loogu maxkamadeeyay dalka Uganda iyadoo saraakiil sarsare oo ka tirsanaa ciidamada AMSIOM gaar ahaan dalka Uganda lagu helay dambiyo ah inay lunsadeen hanti.