WAR SAXAFADEED KASOO BAXEY SHIRKII MAANTA GOLAHA SIYAASIYIINTA
Kulan ay isugu yimaadeen golaha siyaasiyiinta Da’da Yar manta oo taariikhdu tahay 31-july -2016. Waxaa looga hadlaayey doorka dhalinyarada ay kuleeyihiin siyaasada Soomaaliya. Maadaama dhalinyarada soomaaliyeed ay heesato dhibaatooyin farabadan isla markaana aaney helin adeegyadii kala duwana ee ay u baahnaayeen sida; waxbarasho, amaan, adeeg caafimaad iyo shaqo kuwaas oo ahaa aasaaska nolasha aadanaha
Goluhu waxey isla garteen in dhibaatooyinkan ay masuula katahy xasalooni darida siyaasadeed ee kajirta dalka. Sidaa darted guuhu waxey dib umilicsadeen taariikhda dalka soomarey iyo dadkii soo samata bixiyey waxeyna ahaayeen dhalinyaro waxeyna amaan usoo jeediyeen dhalinyaradii soo hooyey xurida dalka 13 SYL. Nasiib daro dhalinyaradii soomaaliyeed ee horsed unoqodey xuriyada manta aan ku naalooneyno lagama qayb gelin siyaasada dalka taas oo natiijada kadhalatey manta aan ujeedno. Da’ayartii soomaaliyeed oo dalka xuriyadiisa horsed u ahaa manta waxey ku dayac dareysan yihiin daafaha caalamka.
Sidoo kale goluhu waxey isla soo hadal qaadeen doorashada ka dhicidoonta sanadkan daba yaaqadiisa waxeyna xoosta kaxariiqeen doorashada in ay tahay mid aad ugu muhiimsan dalka dadka soomaaliyeedna indha ha ay ku haayaan.
Dood dheere kadib waxaa ay soosaareen Goluhu BAAQ KA KOOBAN ILAA 4
Dowlada Soomaaliya, gudiga doorashooyinka qaranka, Qaramada midowey, Midowga Africa iyo beesha caalamka, in ay dhiira geliyaan in dhalinyarada ka qeyb qataan doorashada dalka isla markaana lasiiyo qoondo maaadama dabaqada ugu badan ee bulshada ay yihiin dhalinyaro.
In lagu dadaalo in lahelo baarlamaan tayeysan oo la anbaqaadi karo dunida casriga ah, si loo helo baarlamaan firfircoon oo hooshiisa ugudan kara si hufan isla markaan haduu dareemo amaan daro awood uleh in ay kashiraan online ka. Sida video conference
In xooga lasaaro baarlamaanka imaan doona in ay noqodaan baarlamaan cusub oo wax bedeli kara, oo aaney dhicin in ay iska soo laabtaan xildhibaana joogey 15 kii sano ee lasoo dhaafey oo la arkey wuxuu galo iyo wuxuu gudo amaba ka qeyb qaatey dagaaladii sokeeye ee dalka
In ay dalka kadhacado doorasho xur iyo xalaal ah oo aan lamusuq maasuqin, markastana beesha caalamka ulashaqeyso guddiga doorashooyinka dalka
Goluhu wuxuu ugu diyaa madaxda qaranka iyo maamul goboleydyada in aaney faragelin doorashada soosocota awooda qaranka aanu u isticmaalin in ay marin habaabiyaan doorashada
Ugu danbeen goluhu wuxuu urajeeyey shacabiga soomaaliyeed Nabad iyo Barwaaqo.