Beled-Xaawo(WRB)Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgalo ka wada degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo .
Howlgalka ayaa lagu baadigoobayaa rag hubeysan oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan ururka Al-Shabaab oo xalay Nabadoon Caan ah ku dilay degmada Beled xaawo midkalena ku dhaawacay.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Beled- Xaawo oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka dambeyay dil xalay loo geystay Nabadoon Idiris oo ka mid ahaa Nabadoona ugu caansan gobolka Gedo.
Bile Hufuud Ibraahim ayaa sheegay in dilka loo geystay nabaddoonka ay dambeeyeen ururka Al-Shabaab .
Gudoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada lagu xaqiijinaayo amniga guud ee degmada Beled Xaawo.