Degmada Buur Hakaba Ee Gobolka Baay Ayaa Waxaa Wali Ku Sugan Masuulin Katirsan Maamulka koonfur Galbeed Somaliya Uljeedka Degmada Ay U Jogaan Ayaa Waxay Tahay Sidii Ay Ku Ogaan Lahayeen Xaaladaha Ciidamada Ku Sugan Degamaasi Iyo Sidii Ay Ku Dhiira Galin Lahayeen In Ay Ka Qeyb Qataan Howlgalada Ay Ka Socdaan Gobolada KG Gaar Ahaan Baay Iyo Bakool.
Masuulinta Degmada Buur Hakaba Kusugan Ayaa Waxaa Ay Iskugu Jiraan Wasiiro Iyo Taliyaasha Ciidamada Booliska Kg
taliye-kuxigeenka Ciidamada Booliska Gaarka Ah Ee Koonfur Galbeed Somaliya Maxamed Isaaq Caracase Ayaa Ka Mid Ah Masuulinta Kusugan Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay
Xili Warbaahinta Warsanradio Qadka Telefonka Kula Xiriirtey Ayey Wax Kaweydisey Holgaladii Ugu Dembeyey Ee Ciidamada Ay Ka Sameeyeen Degmada Buur Hakaba Iyo Degamada Hoos Taga Waxaa Uu Sheegey In Ay Wadaan Howlgalo Kadhan Ah urarka Al Shabaab Oo Kusugan Deganada Ku Soo Dhow Degmadaasi
Taliyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey Howlgalkii Ugu Dembeyey In Ay Kasameyey Toolo Lagu Magacaabo Jamiicada Halkaasi Oo Ay Ku Sugnayeen Ciidamo Katirsan Al Shabaab Oo Ay Ku Heysteen Tiro Gawaari Ah Iyo Shacabkii Saarna In Mudo Ahna Halkaasi Ku Heystey Iyadoo toolodaasi Inta Kabadan Fariismo U Ah Urarka Al Shabaab,
W/Q/Wariye Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)Xafiiska Magalada Baydhabo Janaay Ee Xarunta Gobolka Baay