Tababarihii hore ee kooxaha Everton, Wigan iyo Swansea, Roberto Martinez, ayaa loo magacaabay macallinka cusub ee xulka Belgium.
Martinez oo ah 43 jir u dhashay Spain, ayaa bishii May ee sanadkan laga eryay kooxda Everton oo uu saddex sano laylinayay.
Marc Wilmots ayaa bishii hore iska casilay tababarnimada Belgium, laba todobaad ka dib markii uu xulkaasi ku haray rubuc dhammaadka ciyaarihii Euro 2016.
Magacaabidda Martinez, oo dad badan ka yaabisay ayaa waxaa lagu shaaciyay barta Twitter uu ku leedahay xiriirka kubadda cagta ee Belgium.
Martinez oo noqday tababaraha Belgium
previous post