Shir maanta Beydhabo lagu soo gaba gabeeyay Shirkii looga hadlayay tayeynta Dowladaha Hoose ee maamul goboleedyada dalka oo magaalada Beydhabo ka socday ayaa maanta la soo gaba gabeeyay.
Shirkani ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday Maamulada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed oo marti galineysay iyo Hiiraan Shabeelaha Dhexe oo weli dhismihiisa uu socdo.
Shirkan maanta magaalada Beydhabo lagu soo gaba gabeeyay waxaa ku soo biiray Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda Soomaaliya C/raxmaan Odowaa, waxaana uu aad u amaanay xubnaha shirkan ka qeyb galayay ee ka socday maamul goboleedyada dalka.
Shirka marka uu soo idlaaday ayaa natiijada shirkan ka soo baxday waxaa warbaahinta u aqriyay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo dowladaha hoose C/raxmaan Ibraahim Aadan.
Gaba gabadii shirkan ayaa waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye.
W/Q/Wariye Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)