Buuhoodle(WRB)Sida Muuqata Magaalada Buuhoodle iyo Guud ahaan Deegaanka Khaatumo State ayaa Gacanta u Gali Doona Cadow Guun ah oo Mudo Ku Taamayey inuu Maalin uun uu Gacanta ku Dhigo kadib Markii Khaatumo isku Raaxday in Somaliland Lagu Biiro.
Maamulka Hargaysa oo Sheegay inuu Somalia ka Baxay ayaa Dhanka kale Whati Dheer kadib Maamuli Doona Dhulka Beesha Dhulbahante oo Dhiig Badan uu ku Daatay Madaxwayne Cali khaliif ka Hor.
Tan iyo Markii Maamulka Khaatumo uu Madaxwayne ka Noqday MD:Cali khaliif Waxaa Jirtay Xan iyo Nux-Nux Siyaasadeed Taas oo ah in Cali Maalin uun Deegaanka Inta Dhiman uu Dhaxal Wareejin Doono Waxaana ay Maanta u Muuqataa in Taasi Dhacday!.
Inkasta oo Madaxda Khaaatumo State Dadka Sidii kuw aan Wax Fahmayn ula Hadleen Hadana Waxaa Cadaan ah Dadka Reer Khaatumo Gaar ahaana kuwa Gobolka Cayn in ay yihiin kuwo Cali iyo Kooxdiisaba ka Horeeya Waxaase Xalku Sii Ba,ay Markii Cali Sheegay in Ay Somaliland iyo Khaaatumo Walalo Yihiin.
Ugu Danbayntii Deegaanka Khaatumo ka Wayn Wax la Iibyo kana Fog Wax Koox Yari Masiirkiisa ka Arrimin Karto kana Miisaan Culus Wax Been Lagu Iibsado.