Mareykanka(WRB)Wasaarada arimaha dibada dowladda mareykanka ayaa markale sheegtay in ay taageereyso Doorashada sanadkan la filayo in ay dalka ka dhacdo.
War ka soo baxay xafiiska xoghaya wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry, ayaa waxa uu lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ka qeyb qaadaneyso Doorashada 2016-ka Soomaaliya ka dhaceysa.
Xog-haye Kerry ayaa intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay ka taageereyso Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto sidii loo dhisi lahaa dumuqraaddiyad fadhida.
Warka Xoghayaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanku uu ku rajo weyn yahay in Doorashada sanadkan ay noqoto mid dhabbaha u xaarta dimuqraddiyadda, ammaanka iyo in barwaaqo la gaaro.
Shalay waxaa magaalada Muqdisho Gudoomiyaha Gudidga Hirgelinta Doorashada dadban ee dalka waxaana uu sheegay qaabka ay u dhacayso doorashada iyo xiliga doorashada.
Cumar Maxamed Cabdulle Dhegey ayaa sheegay in Doorashada xubnaha Aqalka sare ee dalka ay dhacayso 25-ka September sidoo kale Doorashada Xildhibaannada waxa uu sheegay in ay dhacayso 24-ka September ilaa iyo 10-ka October.
Sidoo kale Doorashada Guddoomnka Baarlamaanka ayaa la shaaciyay in dhacayso 25-ka October.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Gudidga Hirgelinta Doorashada dadban ee dalka Cumar Maxamed Cabdulle Dhegey ayaa cadeeyay in Doorashada Madaxweynaha ay dhacayso 30 October.
Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha taageera Soomaaliya ,waxaana dowladda Mareykanku ay dhawaan u soo magacowday Soomaaliya safiir cusub.