Malaq Billow Maalim Ibrahim Malaaq Beelaha Laysaan oo noqonaya Malaaqii guud ay yeeshaan Beelaha dega Dololo Elwak Waqoyiga bari ee Kenya ayaa Shalay gelinkii dambe lagu Caleemo saaray Deegaanka Dololo Elwak Kenya.
Munaasabada lagu Caleemo saaraayay Malaaq Billow Maalim Ibrahim ayaa waxa ka soo qeyb galay wufuud ka kala timid Mombasa, Nairobi, Nakuru, Eldoret, Garissa, Isilolo, Moyale, Wajir, Mandera, ii Elwak Kenya Xildhibaano ka tirsan Dowlada kenya, Siyaasiyiin, Waxgarad, Oday dhaqameedyo iyo Marti Sharaf kale ayaa ka soo qiib galay.
Iimaam Soomaaliyeed oo ku hadlayey magaca duubabka beesha laysaan malaaq Billow Maalim Ibrahim ayaa balan qaday in xilkiisa gudandoono sidaasi darteedna loo baahanyahay in uu si daacadnimo leh ugu shaqeeyo xilka loo doortay.
“Malaaqiyada Beelaha soomaaliyeed oo ka soo jeeda kenya waan la shaqeyn doonaa hadaan nahay duubabka Soomaaliyeed, waxaana u rajeeyhaa in uu Alle la garab galo xilka culus ee loo caleema saaray Billow Maalim Ibrahim”
Xildhibaano ka tirsan Dowlada kenya, ayaa ugu hambalyeeyay Malaaqa xilka dhaqanka ee loo caleema saarey, wuxuuna kula dardaarmay in uu si hufan u guto howlaha loo igmaday.
Gudoomiyaha gobolka waqooyi bari ee kenya ayaa dardaaran u jeediyay Malaaqa Cusub, waxa uuna sheegay in Maamulka Gobolka Waqooyi bari ee Kenya uu la shaqeynayo Malaaq Billow Maalim Ibrahim Malaaq Laysaameed.
Gabagabada Munaasabada ayaa Malaaq Billow Maalim Ibrahim lagu Caleemo Saaray, Waxa uuna noqonaya Malaaqii Guud oo ay yeeshaan Beelaha dega Deegaanka Dololo Elwak Kenya.