Maalmihii Lasoo Dhaafey Waxaa Degmada Tiyeeglow Ee Gobolka Bakool Degaanada Hoostaga Kasocdey Howlgalo Iyo weeraro Iskugu Jiraan Kuwaasi Oo Ay Fulinayeen Ciidamada Dowlada Somaliya Iyo Ciidanka Booliska Gaarka Ah Ee KG Kuwooda Ku Sugan Degmadaasi Iyadoo Howlgalkii Ugu Dembeyey Ee Lagu Qaadey Degaanka Ceelgaras Halkaasi uu Kadhacay Dagaal Xoogan Kadib Ciidamada Dowlada Somaliya Iyo Ciidanka KG Waxaa Ay U Suurta Gashey In Degaankaasi Ceelgaras Gacanta Ay Ku Dhigaan.
Gudoomiyaha Degmada Tiyeeglow Maxamed Cabdulle Foodcade Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Hada Degmada Tiyeeglow Iyo Degaanada Hoos Taga In Tooda Badan Ay Yihiin Kuwo Gacanta Ay Ugu Jiraan Ciimada DFS Waxaana Uu Sheegey In Ay Jiraan Degaano kale Oo Ku Hareen Al Shabaab Kuwaasina Uu Ku Sheegey In Ay Ku Wajahan Yihiin Waa Sida Uu Risaala U Xaqiijiyey Maxamed Cabdulle Foodcade Gudoomiyaha Degmada Tiyeeglow.
Dhanka Kale Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Mardhaw Weerar Ay Ku Qaadi Donaan Degaan Lasheegey In Ay Kusugan Yihiin Urarka Al Shabaab Werarkaasina Ay Iska Kaashan Donaan Ciidamada Kusugan Degmada Hudur iyo Degmada Tiyeeglow Oo Labadodaba Katirsan Gobolka Bakool.
W/Q/Wariye Siidcali Muuse Maxamed (Ateera) Xafiiska Magalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay