Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo waqtigooda uu yahay mid gabaabsi ah, ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay kulan ku yeelan doonaan xarunta Golaha Shacabka ee maagalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa arimo dhowr ah oo horyaala Baarlamaanka oo ay ka mid yihiin su’aalo ay xildhibaanada Baarlamaanka weydiinayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa kulankii Baarlamaanka ee Sabtidii wuxuu ka sheegay in Isniintan maanta ah xildhibaanada fursad loo siin doono in ay su’aalo weydiiyaan Gudoonka Baarlamaanka.
Habdhowraha Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay kulanka maanta iyo waxyaabaha looga hadlayo.
20-kii Bishan ayuu ku ekaa Baarlamaankan marka sida sharciga ah loo eego balse Gudoomiye jawaari ayaa sheegay in Baarlamankan uu sii shaqeyn doono ilaa Baarlamaanka cusub laga soo doorto.