Ciidamada ammaanka Dowladda Federalka Somaliya oo howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayay xalay ka sameeyay Degmada Dharkiinley ee Magaalada Muqdisho, ayaa gacanta ku dhigay labo ruux oo Shabaab lala xiriirinaayo.
Labadan ruux ayeey ciidamada ammaanka waxa ay ka qabteen Xaafada Dabakaayo Madow ee Degmada Dharkiinley, kadib markii ciidamada ay si aad ah ugu tuhmeen raggaan inay Shabaab yihiin.
Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha C/kaamil Macalin Shukri ayaa sheegay baaritaano inay ku socdaan labada ruux ee ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen.
“Ciidamada ammaanka ayaa degmada Dharkiinley ee gobolka Banaadir ka soo qabtay laba nin oo lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, gacanta ciidanka ayey kujiraan walina baaritaano ayaa socda.”ayuu yiri afhayeenka.
Howlgalka raggaan lagu soo qabtay ayaa xalay laga sameeyay, Xaafadaha Degmada Dharkiinley, gaar ahaan Xaafadaha Suuq yaraha, Xaafada Salaam, nawaaxiga Masaajidka Bilaal ilaa Xaafada Nuur Aduunyo.
Degmada Dharkiinley ayaa ah Degmada ugu badan ee ay ka dhacaan dilalka qorsheysan ee caasimada ka dhaca, waxaana inta badan baxsada ragga ka dambeeya dilalka qorsheysan.