Olole ballaaran oo ah tallaalka xannuunka dabeysha ayaa maanta ka bilowday dalka Afghanistan.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF oo kaashaneysa dowladda Afghanistan ayaa dooneysa in tallaalkan uu gaaro 9 milyan oo canug, kuwaasoo ay da’doodu ka yartahay 5 jir.
Weli daawo looma helin cudurkaasi, balse ka hortag ayaa la samayn karaa.
Ololahan tallaalka dabeysha ee Afghanistan ayaa waxaa ka qeyb qaadan doona kumannaan howl-wadeennada caafimaadka ah oo guri waliba tegi doona, si ay u gaaraan carruurta u baahan.
Afghanistan iyo dalka deriska la ah ee Pakistan ayaa ah labada dal ee caalamka oo dhan uu sida ba’an uga jira cudurka dabeysha.
Qiyaastii rubuc milyan carruur ah ah ayaa ku nool deegaanno ay ammaan ahaan gaari karin shaqaalaha caafimaadka ee Afghanistan.