3 qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ka dib markii ay Miino kula qaraxday baabuur ay wateen oo maraayay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Goobjoogaal ku sugan goobta ay Miinadu gaariga kula qaraxday ayaa soo tabiyay in gaariga nuuciiso uu ahaa Mini Bus , waxaana la sheegay in uu khudaar u waday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Gobolka .
Dadka Geeriyooday ayaa isugu jira darawalkii gaariga iyo labo qof oo shacab ah.
Wali maamulka Jubbaland Faahfaahin kama bixin miinada Maanta Gaariga kula Qaraxday duleedka magaalada Kismaayo.