Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo saaray awaamiir ka dhan ah lamaanaha doonaya in ay isu guursadaan Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha oo la hadlaayay shacabka reer Kismaayo, ayaa sheegay in uu mamnuuc yahay in arooska iyo aroosadda, ay adeegsadaan wax ka badan laba gaari, kolka la gelbinayo.
Axmed Madoobe ayaa waxaa uu ku amray hay’adaha ammaanka in ay qaataan awaamiirtan, isla-markaana ay soo qabtaan aroos kastaa oo lagu gelbinayo wax ka badan laba baabuur.
Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu soo hadal qaaday in mar ay xabsiga u taxaabeen lamaane, xilli lagu gelbinaayay gaadiid fara-badan, isagoo intaa ku daray in aan hadda ka dib la xiri doonin laamaha is guursanaya oo qura, balse ay sidoo kale soo xiri doonaan waalidiintooda.
Dadka badankii, ayaa wax wanaagsan u arka in la yareeyo gaadiidka faraha badan ee aroosyada lagu gelbiyo, ha yeeshee waxay wax layaab lihi u arkaan in la xiri waalidoonta lamaanayaasha, inkastoo Maamulka Jubbaland uu taasi ku yarenayo gawaarida badan.