Taliyaha Amniga Magaalada Boosaaso Maxamed cali Xaashi oo la hadlay warbahinta ayaa sheegay in Dekada Magaalada Boosaaso ay ka mamnuuceen in Dekada gudaheeda la geliyo Gaadiidka yar yar, marka laga reebo Gawaarida ay wataan Mas’uuliyiinta Dekada ka howlgasha.
Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii Hub laga soo qaaday Dalka Yemen islamarkaan si qarsoodi ah loogu soo qaaday Doon, sidaasina looga soo dejiyay Dekada Boosaaso.
Maxamed cali Xaashi Taliyaha Amniga Magaalada Boosaaso ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay sharciga horgeyn doonaan ninka lagu qabtay Hubka, isagoo sidoo kale dadka Ganacsatada Dekada Boosaaso uu Alaabaha uga soo dega uga digay in ay ku kacaan falkan oo kale.
Taliyaha ayaa Ciidamada amaanka iyo Maamulka Dekada Magaalada Boosaaso ku amray in ay ka hortagaan falalka la doonayo in lagu qal qal geliyo Amniga Dekada Boosaaso.