Iyadoo haatan Magaalada Jowhar uu ka socdo shirka Maamul dhisida Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa wararka inaga soo gaaraya Magaalada Beledweyne waxa ay sheegayaan in Waxgaradka halkaasi ku dhaqan in ay wadaan qorshe ay kaga tashanayaan wax ka soo horjeeda shirka ka socda Jowhar.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray Magaalada Jowhar ayaa wuxuu Waxgaradka Labada Gobol ku booriyay in ay dhistaan Maamul loo dhan yahay.
Wararka qaar ayaa sheegaya Waxgaradka in ay qorsheynayaan in halkaasi ay kaga dhawaaqaan Maamul kale oo ka dhan ah midka hada dhismihiisa uu ka socda Magaalada Jowhar.
Sidoo waxaa maanta Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan gaaray Siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Hiiraan, kuwaas oo ka biyo diidan shirarka ka socda Magaalada Jowhar.
Xildhibaan C/laahi Gaaodax Bare oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Waxgaradka Gobolka Hiiraan ay tashanayaan.
Sikasataba Madasha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa horey isugu raacay in si deg deg ah loo dhiso Maamulka loo sameynayo Gobolada Hiiran iyo Shabeelaha Dhexe.