Buur-hakaba(WRB)Shacabka Ku Nool Degmada Buur Hakaba Ee Gobolka Baay Ayaa Waxaa Qeylo Dhaan Ay Ka Muujiyeen Dhibaatooyinka Xiligaani Kataagan Degmadaasi
Degmada Buur Oo Qiyaasti Degmada Baydhabo Ay Ujirto 65 KM Kaga Beegan Dhanka Waqooyi Ayaa Mudooyinkaani Shacabka Degan Degmadaasi Buur Hakaba Iyo Deganada Kale Ee hoos Tagan Ayaa Waxaa Soo Wajahey Biyo Yari Kudhawaan Shanbilood Iyadoo Ay Jiraan In Biyo Yaridaasi Xaalado Kala Duwan Lakulmaan Dadka Iyo Xoolaha Ku Nool Degmadaasi Buur Hakaba.
Gudoomiyaha Degmada Buur Maxamed Cabdi Maxamed Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Dhibaatada Ugu Weyn Ee Heysata Degmada Buur Ay Tahay Biyo Yarida Xiligaani Soo Wajahdey Isagoo Sheegey In Warihii Ugu Weynaa Ee Degmadaasi Ay Gureen Biyahana Ay Ka Doontaa Meel Aad Uga Fug Degmada Buur Hadana Ay San Kaafi Karin Hasha Booyin Ee Gaarta Magaladaasi.
Dhanka Kale Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Dowlad Goboleedka Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya Qeyb Ay Tahay Biyo Yaridaasi Kajirta Degmada Buur Hakaba WUxuuna Si Aad Ah U Eedeeyey Wasaarada Maaliyada Koonfur Galbeed Somaliya.
Maamulka Iyo Shacabka Degmada Buur Hakaba Ee Gobolka Baay Ayaa In Badan Waxaa Ay Baaq Udireen Dowlada Faderaalka Somaliya Iyo Dowlad Goboleedka Maamulka Koonfur Galbeed Lakiin Ma Aysan Jirto Cid Kajabaab Bixisey Baqaas Kayimid Shacabka Xiligaani Ku Dhibaateysan Degmada Buur Hakaba Ee Gobolka Baay,
W/Q/Wariye:Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)