Ciidanka Suuriya ayaa shaaciyay in uu duulaan weyn ku qaadayo deegaannada ay mucaaradka ka haystaan magaalada Xaleb.
Waxa uu ugu baaqay dadka rayidka ah in ay ka fogaadaan deegaannada ay ku sugan yihiin xooggaga mucaaradka ah ee ku yaalla bariga magaaladaasi.
Warkan ayaa kusoo beegmaya ayadoo Maraykanka iyo Ruushka ay kulan degdeg ah ka leeyihiin, sidii dib loogu soo celin lahaa xabbad joojintii mudada kooban ka jirtay Suuriya.
Milateriga Assad ma aanu sheegay in duulaanka Xaleb ay ka qeyb qaadan doonaan ciidan lugta ah.
Deegaannada bari ee ay xooggaga mucaaradka ah ka haystaan Xaleb, ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay duqeymihii ugu ba’naa bilihii lasoo dhaafay.