Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay Qasab in ay tahay Hal Maamul in loo sameeyo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay hada ka shaqeyneyso sidii Shirka ka socda Magaalada Jowhar looga mira dhalin lahaa oo Hal Maamul uu uga soo bixi lahaa.
Wasiir Odowaa ayaa sheegay in xilligan aysan suuragal aheyn in Maamul gaar ah uu sameysto Gobolka Hiiraan, wararkaasna ay yihiin kuwo aan loo fiirsan.
C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe la isku daro, sidoo kalena Hal Maamul loo sameeyo.