Gabon(WRB)Shacabka ku nool caasimadda Libreville ee dalka Gabon, ayaa bilaabay in ay keydsadaan cunno iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah, xilli la filayo in maxkamadda dastuuriga ee dalkaasi ay go’aan ka gaarto natiijadda lagu muransan yahay ee doorashadii dhawaan dalkaasi ka dhacday.
Dadka ayaa safaf dhaadheer u galay bangiyada iyo dukaamada waaweyn ee caasimadaasi, ayaga oo iibsanaya wax kasta oo ay awooddaan.
Dadkaasi duukaameysanayay iyo ganacsatada ayaa ka walaacsan xaaladda kacsan ee uu dalkaasi galay, waxaana ay sheegeen in ay ka taxadarayaan rabshado dalkaasi ka bilowda.
Dowladda dalkaasi ayaa sheegtay in hogaamiyaha mucaraadka, Jean Ping, uu qaadi doono mas’uuliyadda rabshadaha ka dhasha go’aanka maxkamadda.
Madaxweyne Cali Bongo ayaa lix boqol oo kun oo cod kaga guuleystay ninka la tartamayay ee Jean Ping, balse mucaaradka ayaa ku doodaya in doorashadaasi lagu shubtay.