Jibriil ibraahin cabdulle oo ah musharax u taagan xilka madaxweyninimo dalka ayaa waxaa manta uu soo gaarey xarunta maamulka koonfur galbeed ee baydhabo,waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweyay wasiiro ay ka mid ahaayeen amniga,warfaahinta,hubka dhisgista iyo tabarada,ku xigeenka qorsheynta,xildhibaano ka tirsan koonfur galbeed,kuwo ka socdey xildhibaanada dowlada dhaxe,odoyaal,ururada haweenka iyo dhamaan bulsho ka kala soctey xaafadaha magaalada.
Musharaxa u taagan kursiga madaxweynaha ee dowlada soo socota jibriil ibraahin cabdulle ayaa markii uu kasoo dagey garoonka diyaaradaha waxaa uu mid mid ugu gacan qadey madaxdii iyo bulshadii soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatey.
Soo dhaweyn kadib ayaa waxaa saxaafada la Hadley wasiirka warfaafinta dowlada koonfur galbeed xasan cabdi maxamed.
Jibriil ibraahin cabdulle ayaa sidoo kale la Hadley bulshadii kusoo dhaweysay garoonka diyaaradaha ee magaalada baydhabo,waxaana uu ka Hadley u jeedada socodaalkiisa.
Waa musharaxii ugu horeeyey oo u taagan xilka madaxweynimo ee dalka oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyo xarunta Koonfur galbeed ee baydhabo,waxana maalmaha uu joogo kulamo kala duwan la yeelan doona bulshada qeybaheeda kala duwan.