J/Hoose-WRB- Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla Magaalada Jillib ee Gobolka jubbada Hoose waxa ay ku soo bandhigeen Gaadiid iyo Hub ay leeyihiin Ciidanka kenya, kuwaas oo looga qabsaday Dagaalkii Bishii September ee sanadkan ka dhacay Deegaanka Haamey ee Dalka Kenya.
Gaadiidka ay Shabaab soo bandhigeen ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan Labo Gaari oo nuuca ay isticmaalaan Ciidanka Booliska Kenya, iyo sahnad Millitari oo ay ka qabsadeen Ciidanka Kenya, sidoo kale Shabaab ayaa soo bandhigay meydadka Labo Askari kuwaas oo ay sheegeen in ay ku dileen Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Haamey.
Saraakiil ka tirsan Shabaab oo goobta lagu soo bandhigayay Hubka iyo Gaadiidka kula hadlay Dadweyne aad u fara badan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan weeradada ay ka geysanayaan gudaha Dalka Kenya.