Xerada la weeraray waxay ku taallaa xuduuda Niger ay la wadaagto Mali, sida saraakiisha dalkaasi ay sheegayaan.
Ra’iisul wasaaraha Niger, Brigi Rafini oo ka hadlay TV-ga qaranka ee dalkaasi ayaa cambaareeyay weerarkaasi.
Dableyda waxa ay bartilmaameed sadeen xarun militari, sida uu sarkaal ku sugan goobta la weeraray uu u sheegay wakaaladda wararka ee AP.
Waqooyiga iyo Bartamaha Mali ayaan xasillooneyn afartii sano ee la soo dhaafay. Ciidamada Faransiiska ayaa dalkaasi u jooga inay meesha ka saaraan kooxaha jihaad-doonka ah.
seddax askeri oo kale ayaa weerarka ku dhaawacantay, ra’iisul wasaare Rafini waxa uu sheegay in tirade dhimashada ay kordhi karto.
Bishii lasoo dhaafay, laba qof oo qaxooti ah ayaa dhimatay kaddib markii dabley ay weerareen xero ciidan.
Xeryaha qaxootiga eek u yaalla xuduudda waxaa ku jira dad ka qaxay qalalaasaha dalka Mali oo Niger deris la ah.
Militariga dalka Niger waxay dagaal kula jiraan Boko Xaram oo dhowr jeer weerar ka geysatay dhanka koofurta ee dalkaasi. Dhanka galbeedkana waxaa dhibaato kaga ah Alqaacidada dalka Mali.