Barlin(WRB)- Ninkii Suuriyaanka ahaa ee dhawaan ciidamada Jarmalku howlgalka kusoo qabteen islamarkaana ku eedeysnaa arrimo argagixiso ayaa waxaa meydkiisa laga helay xabsi ku yaal magaalada Leipzig ee dalkaasi Jarmalka.
Jabar Albakr oo ninkani lagu magacaabay ayaa subaxnimadii 10-ka bishan Oktobar waxaa lagu qabtay isla magaalada Leipzig ee uu xabsiga uga jiray.
Ninkani ayaa boolisku baadi-goob ku bilaabeen kaddib markii ay walxo qarxa ka heleen Sabtidii aynu soo dhaafmay magaalada Chemnitz oo qiyaastoo 80 kilomitir u jirta magaalada laga soo qabtay ee Leipzig.
22-jirkaan ayay boolisku kasoo qabteen guri ku yaal magaalada Leipzig halkaas oo ay koox Suuriyaan ahi ku hayeen ilaa boolisku kkaga yimaado.
Jabar Albakr ayaa ku dhashay magaalada Damaskus ee dalkaasi Suuriya, waxaana uu dalka Jarmalka soo galay sanadkii 2015-ka halkaas oo uu ka helay sharciga magangalyo qoxootinimo.