Golaha wasiirrada maamul goboleedka Koofur galbeedka Soomaaliya, ayaa Maanta ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin arrimaha ammaanka gaar ahaa xaaladda Gobolka Sh/hoose oo ay colaado kasoo cusboonaadeen iyo sidii loo qaboojin lahaa.
Golaha wasiirrada ayaa u mahad celiyay Ciidamada K/Galbeed, kuwa xoogga Dalka Soomaaliya iyo Amisom, waxanay ugu mahad celiyeen doorkii ay ka qaateen xakamaynta ammaanka degaannada Lambar Konton, Ceel wareegoow, Buufoow, Qoryooleey iyo Marka kuwaasoo kaalin mug leh ka qaatay la dagaallanka Al-Shabaab.
Shirka ayaa sidoo kale waxaa looga dooday sidii looga hortagi lahaa damaca Ururka Al-Shabaab ee ah inay carqaladeeyaan doorashooyinka dadban ee dhawaan la filayo inay Dalka ka dhacaan.
Golaha wasiirrada ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ugu dambayn baaq u diray Dowladda federaalka iyo Hay’adaha Sama falka, si ay gurmad Bini’aaddannimo ugu fidiyaan Dadka kasoo qaxay abaaraha ka taagan Qoryooleey iyo nawaaxigeeda,kuwaasoo ku dhibaataysan goobo ka mid ah Gobolka Sh/hoose.