Baydhabo(WRB)Waxaa laga dayrinayaa xaalada xaruunta dhimirka ee magaalada baydhabo,ayadoo xaruuntaasi lagu dabiibayo bukaano badan oo maskaxd loogu jiro kuwaasoo laga kala keeney gobolada bay bakool iyo gedo.
Aadan c/raxmaan maxamed waa madaxa xaruunta dhimirka ee magaalada baydhabo ee xaruunta gobolka bay waxaa uu kahadlayaa xaalada xaruuta dhimirka ee magaalda baydhabo asagoona umahad celiyey urur dhalinyaro gabdha ah oo lagu magacaabo MISHURTY ARLAADI ugu mahad celiyey deeq raashiin oo ay gaar siiyeen xaruunta.
Sidookale jamiila xaaji maxamed oo kamid ahayd gabdhihii isbahaystey ee manta deeqda gaarsiiyey xaruunta dhimirka ee magaalada baydhabo ayaa goobta kahadashay ayadoona ugu baaqday umada islaamka ee uu eebe wax siiyey iney wax ku taraan walaalahooda dhiban ee kujira xaruunta dhimirka.
W/Q/Wariye:Aadan Xasan Cusmaan (Aadan Geesey)