Donald Trump ayaa noqday Madaxweynaha Mareykanka ee soo socda, kaddib markii uu ka guuleystay Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga oo aheyd Hillary Clinton.
Natiijada codeynta ayaa aheyd mid aan marnaba la fileyn, kaddib markii Donald Trump uu helay codod dhan 276, halka Hillary Clinton ay heshay 218.
Trump ayaa ku guuleystay gobolo badan oo uu aad ugaga sareeyay Hillary Clinton, waxaana taas niyad jab ku keentay taageerayaasheeda.
Cododka looga baahnaa cida lo guuleysata doorashada Madaxweynaha ayaa ah 270, balse waxaa muuqata in Donald Trump uu dhaafayba tiradaas
Todobaadyo ka hor waxay dadku saadaalinayeen in Donald Trump laga guuleysan doono, balse ma dhicin sida dad badan filayeen.
Hillary Clinton ayaa taageerayaasheeda la hadli doonin, sida uu sheegay Madaxa Ololaheeda, waxaana lagu amray taageerayaasheeda inay isaga dareeraan xarunteeda.
Donald Trump ayaa goor dhow ka tagay xaruntiisa, waxaana uu aaday Hotelka Hilton, halkaasoo uu kula hadli doono taageerayaashiisa.
Maalqabeenkan ku cusub siyaasada ayaa hadaladiisa waxay horay u dhaliyeen caro aad u weyn intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada.
Siyaasada Mareykanka ayaa waa cusub u baryay, iyadoo talada dalka ay dib ugu soo laabteen Xisbiga Jamhuuriga, Xisbiga Dimoqraadiga ayaa lagala wareegi doonaa xukunka wadanka marka la gaaro bisha Janaayo ee sanadka 2017
.