Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Galmudug ayaa goor dhow si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Cadaado, iyadoo labo kursi maanta loo tartamayo.
Ergooyinka 51 xubnood ee matalaya beel walba ayaa u codeynaya labo Musharax oo u taagan hal kursi oo ah kan Beesha Cayr, waxaana ku tartamaya Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad iyo Jen. C/qaadir Cali Diiriye oo loo yaqaano Jen. Subxaanyo.
Tartanka Kursigan ayaa ah mid il gaar ah lagu haayo, maadaama Mahad Salaad uu ka mid yahay xubnaha aadka ugu dhow Madaxweynaha, lagana yaabo inuu ku soo baxo kursiga Aqalka hoose.
Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa mid mid ugu yeeraya ergooyinka, si ay u codeeyaan, waxaana waraaqo ay ku qoran yihiin magacyada Musharaxiinta ay mid mid ugu ridayaan sanduuq la dhigay goobta ay ka socoto doorashada.