Baydhabo-warsanradio-Waxaa maanta la dooratay xildhibaanada todobo kursi ee aqalka hoose baarlamaanka federalka soomaaliya 2016 2020da. Xilddhibaanada aqalka hoose ee manta la doortay kumajirin haween,inkastoo ay fadhiyeen sedex haween ah oo u muuqday kuwa tusaale ah oo u yimid in ay ka muuqdaan goobta ay ka dhacaysay codaynta.
Beelaha Haraaw,Macalin wayne iyo Eylo waxaa kursigooda ku tartamey sedex rag iyo sedex dumar ah.
Sedexdan kursi waxaa ku soo baxay sedex mudane oo ka tirsanaa baarlamaankii waqtigiisa dhamaaday.
Waxayna ku soo baxaan dhamaan codadkii ergada codaunaysay oo ahayd kuntan iyo koow.Ma jirin codad ay heleen haweenkii isu soo taagay tartanka kuraasta beelahaasi.
Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayoow(Malaaq Dhaayow) oo ah beesha Haraaw wuxuu helay codad u sooro galiyaay in uu mar sedexaad mudo afarsano ah uu ku sii fadhiyo kursiga Beesha Haraaw”Waxaan u mahad celineyaa Ergadii igu dooratey codka aqlabiyada leh.Waxaa Isaaran waajibaad culus oo aheen kii hore waana dadaali doonaa”. Sidaa Waxaa yiri Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow Oo lahadlaayey Ergadiisa Kadib Markii Ay doorashada dhamaatey.
Xildhibaan Cali Aadan Cusmaan (Cali Eeyloow) waxaa markale helay kalsoonidaBeesha Aylo oo si aqlibiyad ah u soo dooratay isagoo markuu guulaystay warbaahinta la hadlay yiri”Waxaan ahaa markii hore sida Qof Mugdi kujiro Oo kale maxaa yeeley afar sano kahor magelin doorasho oo la iima codeyn,waa leymagacaabey.lakiin maanta sanduuq cad ayaa tolkeyga iigu rideen waraaqo isla markaana igu siyeen kalsoonida beesha ee ah in aan afarta sano ee soo socata uugu fadhiisto si kalsooni ah oo xaq iyo xalaal ah. Ayuu yir”Xildhibaan Cali Aadan Cusmaan (Cali Eeyloow).
Waxaa tartan adag oo jilbaha la isku aastay uu dhexmaray musharaxiintii beesha disoow taasoo kursiga beshaas ay isku soo taageen sedex musharax oo kala ah wasiirka dowlada maaliyada dowlada federaalka soomaaliya mudane Maxamed Aadan Fergeeto, Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye, iyo Cabdulaahi Xaamud. Waxay ahayd doorasho tii ugu adkayd oo xitaa ilaalinteeda ay ka qayb qaateen ciidamo boolis ah.
Waxa la isla gaaray wareegii labaad waxaana ay kukala baxeen labaatan iyo shan cod oo uu helay Maxamed Aadan Fargeeto iyo Maxamuud Macalin Yaxye oo helay labaatan iyo lix cod.
Maxamed jaamac Mursal oo u trtamay kursiga beesha colyaha waxaa uu helay afartan iyo shan cod isagoo ka guulaysatay xildhibaan hore Bare Ugaas dhabar oo mudo afar sano ah soo hayay xilka kursiga beesha mudanhan Maxamed Jaamac Mursal waxaa uu noqonayaa xildhibaanka kaliya ee manta ka guulaystay xildhibaanadii hore.
Sikastaba ha ahaatee tirada xildhibaanada la doortay ee todoboda ah kuma jiri haween . balse waxaa ku jira xildhibaano cusu oo ku soo biiray aqalka hoose ee baarlamlamaanka afata sano ee soo socda.
W/Q/Wariye:Mukhtaar sh Aadan (Dalmar)
warsanradio.com kala Soco Wararka iyo warbixinooyinka Doorashada Inta ay socoto