Wasiiru dowlihii Warfaafinta Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos ayaa goor dhow looga guuleystay Kursiga Xildhibaanimo ee Aqalka Hoose, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.
Mr Beekoos oo muddo 12-sano ah ku fadhiyay Kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Hubeer ee Mirifle ayaa waxaa si layaab ah uga guuleystay nin dhalinyaro ah oo ku cusub siyaasada, kaasoo lagu magacaabo Cabaas Siraaji.
Cabaas Siraaji ayaa helay 42 cod, halka Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos uu helay 9 cod, waxaana kaddib dabaal deg ka bilowday xaruntii uu ka socday doorashada Aqalka Hoose.
Doorashooyinkii Aqalka Hoose ee ka dhacday Kismaayo ayaa waxaa ku soo baxay rag dhalinyaro ah, oo siyaasiyiin rug cadaa ahaa iyo kuwo xilal soo qabtay afka ciida u daray.
Xildhibaanada dhalinyarada ahaa ee lagu doortay Kismaayo ayaa waxaa ka mid ahaa Aadan Isaaq Cali, Maxamed Xasan Idiris Ganaey iyo Maxamed Soomaali.
Dad badan ayaa sheegaya in tani ay bilow u tahay in la gaaray waqtigii Dhalinyarada ay ku guuleysan lahaayeen kursiga Xildhibaannimo, iyagoo meesha ka saaraya Xildhibaanada da’da ah ee mudada kursiga ku fadhiya.