{WRSANARADIO} Waxaa maanta hoolka madaxtooyada lagu doortay afar mudane oo u tartamatsay aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka soomaaliya, mudanayaashan la doortay waxay ka soo jeedeen beelaha Wadalaan,Silcis Haambaluul iyo Barawaani.
Kursigii ugu horeeyay saakay ee beesha Silcis Hawiye Waxaa ku tartamay Cali Yuusuf Cusmaan iyo Muxsin Axmed Cumar. Waxaa wareegii hore 41 cod waxaa ku guulaystay Cali Yuusuf Cusmaan, halka Muxsin Axmed Cumar oo ka tanaasulay tartanka .
Cali Xaaji Cali oo ka soo jeeda Beesha Wadalaan waxaa uu ku soo baxay 48 cod.
Kursiga Brrsha Jambaluul waxaa ku tartamayay musharax Isaaq Maxamed Maxamuud iyo Cabdulaahi
Ibraahim Cusmaan. Intaysan codaynata bilaabanin waxaa tanaasulay Cabdulaahi Ibraahim Cusmaan
Oo ka sheegay ergada horteeda in uu u tanaasulay musharax Isaaq Maxamed Maxamuud.
Kadib ergadii beesha waxay u dhiibteen codkooda waxaana kursigii Jambaluul ku guulaysatay Isaaq Maxamed Maxamuud oo ku soo baxay 44 cod waxaana halaawday 5 cod.
Xamsa Zayd Hamza iyo Hani Cusmaan abuukar oo ahaa labadii musharax ee manta u tartantay kursiga beesha Barawaani waxaa 49 cod ku guulaystay Xamsa Zayd Xamsa kadib markii ay ka tanaasushay tartankii Musharaxad Hani Cusmaan Abuukar.
Afarta Kursi ee manta la doortay waxay ka dhigaysa kuraasta la doortay ee aqalka hoose tan iyo markii ay bilaabatay doorashada 40 kursi.
Waxaa dhiman 29 kursi oo lagu wado in la doorto mudo ka yar toban maalmood.