Hogaanka isboortiska degmada baydhabo ayaa ka Hadley caqabado ka hor istaagan iney sii hormariyaan isboortiska degmada baydhabo,xili hada ay socodaan horyaalada degmada baydhabo.
Xili Garoonka kubada cagta ee degmada baydhabo uu ka socdo horyaalka cayaaraha 16 kooxo ,islamarkaana la doonayo in lagu soo saaro horyaal matali kara gobalka bay ayaa waxaa hogaanka isboortiska degmada baydhabo uu fafaahin ka bixiyey ciyaaraha socda iyo caqabadaha ka hortaagan howlaha ay hayaan.
Horyaalkan ka socda degmada baydhabo oo loogu magacdarey baydhabo suber liik cup ayaa ahaa ah kii shanaad oo ay hogaanka isboortiska ay qabtaan,waxaana loo sameyey mudo kordhin oo hal sano ah wallow markii hore lix bilood si KMG ah ay u hayeen.
Axmed cali xasan oo ah gudoomiyaha isboortiska degmada baydhabo iyo claahi ibraahin xuseen oo ku xigeenka isbootiska degmada ah ayaa sheegey in wax xariir ah iyo caawinaad ah ka heysan xariirka kubada cagta soomaaliyeed.
Cod
Garoonka kubada cagta ee dr,ayuub ee magaalada baydhabo ayaa lagu qabanayay ciyaaro tan iyo 1971-ilaa mudadadaas garoonka ma helin dayactir dhameystiran iyo dhismooyin kale oo ay ka mid yihiin qolalka nasashada iyo tarboon,waxaana hada garoonka kuyaala laba birood ee goolasha,darbiga wareegiisa oo maran.