Suldaano,Nabadoono,Aqoonyahano, iyo dhalinyaro ka tirsan beesha tunni oo ku sugan magaalada baydhabo ayaa taageeray xildhibaanada cusub oo beesha dhowaan ay ku dooratay magaalada Baydhabo.
waxay beesha warkan taageerada ah ka shaaciyeen shir jaraa’id ay ku qabteen hoteelka Bilan ee Magaalada Baydhabo, iyagoo u muujiyaay xildhibaanada cusub taageero iyo garab istaag hiil iyo hooba leh.
qabashada shirka Jaraa’id ay qabatay Beesha tuni waxaa uu daba socdaa hadal dhowaantan ay warbaahinta ka sheegeen oo ay uga soo hor jeedeen doorashadii aqalka hoose oo beesha tuni ku dooratay xildhibaanada aqalka hoose ee Baarlmaanka federaalka Soomaaliya u matalaya beesha Afarta sano ee soo socota.
Nabadoon Abuukar Maxamed(Gambeele) oo ka hadaly doorashada wuxuu sheegay in beesha tuni ay dooratay xildhibaano iyaga ay soo xusheen kuwaasoo ay siiyeen codkooda markii ay u arkeen in ay yihiin kuwa ka soo bixi kara gudashada waajibaadka loo igmaday,
wxaan dooranay dumar iyo rag wax gal ah oo ka qayb qaadan kara nidaamka maamul iyo hiigsiga beesha tuni ee 2016da. marka walaalaha meelaha la taagan wararka aysan beesha u dhammayn waa in ay dhinac ka raacaan isbadalka beeshu ay ku dooratay xildhibaanbadan cusub ayuu yiri Nabadoon Cali Nuur Cabduqaadir (Baanjo).
Suldaan Faqi Suldaan Siciid Suldaan Faqi oo ah suldaan ka tirsan beesha Tuni ayaa shirka jaraa’id waxaa uu ka hambalyeeyay mudanayaasha ay beeshiisa u soo saartay kuraasta baarlamaanka iasagoo ku baraarujiyaay in ay ka soo baxaan xilka isla markaana wuxuu u sheegay xildhibaanadii hore ee beesha in la shaqeeyaan xildhibaanada cusub sidii iygaba shalay loola shaqeeyay,