General C/qaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Difaaca Somaliya, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in ciidan shisheeye lagu aamino inay xaqiijiyan nabadgelyadii dalka.
Wasiirka Difaaca Somaliya oo Arbacadii gaaray Magaalada Kismaayo, ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay, iyadoo ay jooggan dhalin Somaliyeed oo dalkooda difaaci kara, in difaacii dalka looga seexdo ciidanka shisheeye ee dalka ku sugan.
Wasiirka, ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in ciidamada shisheeye caawinaad laga heli karo, isla-markaana ay tababari karaan ciidamada Somaliya, balse aan lagu halayn karin inay xasilooni ku soo dabaalan dalka.
Waxaa uu intaa ku daray inay lagama maarmaan tahay in ciidamada Somalidu, ay gacanta ku dhigaan, xasilooni buuxdana ka dhaqan-geliyan dalka.
C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa ciidamada Somalida ku baraarujiyay in iyaga looga fadhiyo dib u dhiska dalka iyo difaaciisuba.
General Diini, ayaa Magaalada Kismaayo u joogga arrimo la xiriira habka isku dhafka ee ciidamada qaranka, si looga gudbo mideys la’aanta ka dhex jirta ciidamada Somalida.