{WARSANRADIO}Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, kaasoo isugu jira, xil ka qaadis, isku bedel iyo magacaabis xilal cusub.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxaa lagu magacaabo Wasiiru dowlayaal, wasiir kuxigeeno, Guddoomiyeyaal gobol, agaaasimayaal cusub, wakiilada Somaliland u fadhiyay dalalka Itoobiya, Jabuuti, Ingiriska iyo Sweden.
Sidoo kale waxaa la magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe, Agaasimaha Telefishinka iyo radiyaha Somaliland, iyadoo lagu soo kordhiyay Wasaarad cusub
Halkan hoose ka akhriso Wasiirada, wasiiru dowlayaasha iyo Wasiir kuxigeenada la magacaabay.
Khadar X. Yuusuf Cabdillaahi, waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Somaliland.
Maxamed Axmed Obsiiye, waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland.
Maxamed Ibrahim Aadan (Qabyo-tire, waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, iyadoo Wasiirkii hore ee Qorshaynta Cali xuseen Ismaaciil (Cali shoombe), waxaa loo magcaabay Wakiilka Somalialand ee Ethiopia
Maxamuud Warsame Jaamac, waxaa loo magacaabay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland
Mustafe Maxamuud Cali Bile, waaxaa laga dhigay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Somaliland.
Axmed Xaashi Cabdi, waxaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada ee Somaliland.
Guuleed Cabdi Xasan, waxaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Somaliland.
Liibaan Yuusuf Cismaan, waxaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Somaliland.
Mustafe Faarax Abraar, waxaa loo magacaabay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Somaliland.
Cali Maxamuud Cali Samatar, waxaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Somaliland.
Axmed Xuseen Rooble (Axmed Joqor), wuxuu noqonayaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland.
Maxamed Sheekh Cumar Xasan, waxaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Somaliland.
Khadar Axmed Diiriye, waxaa loo magacaabay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Somaliland.
Yuusuf Ismaaciil Umal (Yucuboole), waxaa loo magacaabay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland.
Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud Warsame, waxaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Somaliland.
Axmed Maxamuud Nuur waxaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland.
Dhinaca kale Wareegtadda Waxaa Axmed Maxamed Caalin (tiimbaro) guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee Caasimadda Hargaysa, waxaa kaloo gobolka Sool, loo magacaabay guddoomiye Cusub oo lagu magacaabo Cabdi Khayre Dirir, iyadoo guddoomiyaha gobolka Togdheer loo magacaabay Maxamuud Cali Saleebaan.
Gabagabadii, isku Shaandhaaynta cusub ee lagu sameeyay ayaa imaanaysa iyadoo saddex bilood oo kaliya ay harsan tahay waqtiga ay talada hayso xukuumadda uu hoggaamiyo Siilaanyo, iyadoo sanadka soo socda la filayo in degaamadaasi ay doorasho madaxweynenimo ay ka dhici doonto.
AKHRISO:-GOLAHA WAZIIRADA SOOMAALILAAND OO ISKU SHAANDHEEN LAGO SAMEEYAY
previous post