Shir sanadeedka dalladda KGS sweden waxaa ka qeybqaatay sanadkaan 2016 jaaliyadaha KGS ee degen wadanka Sweden, gaar ahaan, magaalooyinka Göteborg, Borås, Falköping, Stockholm, Örebro, iyo Jaaliyadaha Hällaförs iyo Gävle oo ay soo gudbiyeen taageerada Shirka.
Shir Sanadeedka Dalladda KGS ee Sweden waxaa looga hadlay waxqabadkii Dalladda KGS Sweden ee sanadkii 2016, oo ay ka mid ahaayeen:
Sahanka waxbarasahda gabdhaha oo laga qabtay magaalada Baydhawo , taakuleentii agoonta Baidoa, takuleenta bukaanada Cisbitaalka Baydhabo iyo taakuleenta xarunta dadka miyirka dhiman ee Xarunta Miyirka Baydhabo.
Waxaa kallo laga wada hadlay qorshayaalka sanadka 2017, waxaana la isku raacay in lagaarsiiyo taakuleenta dalladda gobolada kale ama dagaaanada dada ka soo jeeeda KGS .
Waxaa kaloo shirka looga hadlay, sidii wax logo qaban lahaa, dhinacyada dhaqanka, gaar ahman dhinaca luqadda Maayga, gaar ahaan, dadka ku hadlo afmaayga ee waddanka ku cusub ee u baahan inay helaan turjumaano ku hadlo luqadda Maayga, side arintaas wax logo qabanlahaa. Waxaa shirka laga soo jeedeyay in la siiwado dadaalada dhinaca TV oo ay wadaan dhalinayarada Arlaadi Forum iyo sidii loogu qeybqaadan lahaa.
Shirka waxaa lagu doortay gudiga cusub ee dalladda KGS Sweden ee Sanadka 2017, oo kala ah, sida hoos ku qoran:
- Abdulkadir Abukar Sheikh, Gudoomiyaha Dalladda KGS
- Naciima Isack, Gudoomiye Ku xigeenka
- Eng Ahmed Qoryoole, Xoghayaha Guud ee Dalladda
- Mohamed Mukhtar, Xisaabiyaha Dalladdda
- Mustaf Ahmed, Hantidhowka guud
- Abdullahi Wasiir, Xubin
- Jamiilo Sheikh Mohmed Hargeisa, Xubin
- Bahjo Abdi Ali, Hubin
- Mohamed Ahmed Abdisalam, Xubin
- Leyla Mohameed Ahed, Xubin
- Gudiga shuurda ku darc, abdalla Afrah, stockholm
11: Af-hayeeenka Dalladda waxaa looo doortay Abdulkari Mohamed Ahmed (Cheif Sagaaray)
Waxaa kelo shirka lagu dhisay, gudi shuuro/marjac, oo la shaqeeya gudinna dhexe ee Dalldadda. Waxaana ka mid ah,
- Haji Sid , Borås
- Macallim Abdi, Falköping
- Abdulkadir Hussein Kadiil, Örebro
- Zahra Mohamed Nuur , Örerbo
- Sheikh Ibrahim Aden, Götenbor
- Mohamed Yusuf, Gevle
Shirka waxaa kalo lagu dhisay gudiga horumarinta Warbaahinta iyo Dhaqanka KGS. Waxaana ka mid ah;
1. Abdulkadir Mohamed Chief Sagaarey
2. Abdulaziz Dhaqane
3. Aden Hassan, Laftagaraaan
4. Bahja Abdi Ali
5. Cukas Sugow
6. Abdullahi Esse
7. Mohamed Abukar
Shirka Waxaa kalo oo uu Gudoonsiiyaya Shahaado Sharfyo, warbaahino iyo hay,ado ka soo jeede Koonfur Galbeed Soomaaliya oo loo arkay in ay wax wanaagsan qabteen.
- Warbaahinta wadanindws24.com
- Warbaahinta Radio Warsan ee Baydhabo
- Warbaahinta Baidoamedia.com
- Warbaahinta Gaarsiyey.com
- iyo Idiris Abdi Takhtar , G/Kuxigeenka Golaha Babdaada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shirka waxa uu ku dhamaaday jawi wanaagsan iyo is afgarad. Shirka kan xigana waxaa la balanqaday in lagu qaban doono magaalada Borås.
Email. sydvast.somaliska@outlook.com
Mahadsanidiin
Gudiga Qabanqaadada ee Shirka Dalladda KGS Sweden
HOOSE KA DAAWO SAWIRADA
HOOSE KA DAAWO SAWIRADA