{WARSANRADIO}Waxaa soo gabagaboowday doorasadii aqalka hoose ee ka socotay magaalada Baydhabo taasoo lagu doortay 69 kursi oo aqalka hoose ah iyo 8 kursi oo aqalka sare ah kuawaasoo u matali doona xubnaha labada aqalka D.F.S afarta sano ee soo socota D.G.K.G.S.
Waxay ahayd doorasho dadban oo hordhac u ahayd qabsoomida doorashooyin qof iyo codkiis ah oo ka dhaca dalka sanadka 2020ka.
Markii ay qabsoomi wayday doorasho qof iyo codkiisa ah sidii ay ahayd balanta marka la gaaro 2016ka. Waxaa la sameeyay hanaanka doorashooyin dabban oo la qorsheeyay in ay ka dhacdo shan magaalo oo ah caasimadaha maamul goboleedyada.
Heshiisyadii ay gaareen hogaamiyayaasha madasha Qaran waxaa ka mid ahaa, in la dhiso gudiyo diyaariya doorashoohyinka dadban sida ay u dhacayaan oo isugu jira heer federal iyo heer maamul goboleed.
Dowlad goboleedka koofur galbeed soomaaliya waxaa laga dhisay gudiga qabanqaabada doorashooyinka daban kaasoo gudoomiye looga dhigay Maxamed Cabdulaahi Mursal.
Gudigan maalintii lagu dhawaaqay wuxuu guda galay howshiisa, waxay diyaariyeen istaraatiijiyaddii lagu hirgalin lahaa doorashooyinka dadban iyadoo ay jireen dib udhacyo fara badan oo ku imaanayay waqtiga ay dhacayaan doorashooyinka guud ahaan dalka soomaaliya.
Howsha ma’ahayn mid fudud, waxaa jirtay shaqo adag oo laqabanayay si loo guto waajibaadka balaaran ee horyaalay Gudiga doorashooyinka taasoo u baahnaytd karti dulqaad iyo dadaal dheeri ah.
Howlihii adkaa ee gudiga doorashooyinka dadban koofur galbeed soomaaliya waxaa ka mid ahaa qabashada liiskii ergada Beelaha oo ay beelaha qaar isku haysteen, Xalintii khilaafaadyadii ka dhashay kuraastii qoondada haweenka ee 30%kiiba wada jir ay u go’aamiyeen Hogaamiyayaashii madasha qaranka iyo beesha caalamka taasoo beelaha qaar ka soo hoejeesteen in ay soo sharaxaan gabdho kaliya
Oo ku tartama kursiga si ay gabar u soo baxdo.
Runtii gudigii doorashada dadban iyagoo eed la’ayn xilka ay hayeen darted haddana wey dadaaleen siwalba waxay isku dayeen in ay ku dhammato doorashada dadban si nabad ah oo aan lahayn dhibaato gacan ka hadal dhalisa sidii ka dhacday dowlad goboleedyada la midka ah.
Inkastoo wax walba oo uu bani’aadam qabto nusqaan laga waynayn oo dhaliil kuwa ka tabanayo la heli karo, balse shaki waxaan lahayn laga soo bilaabo doorashadii aqalka sare ee ay ku tartamayeen 16 qof isla markaana ay u gudubtay kuraasta aqalka sare 8 mudane ilaa doorashadii kuraasta aqalka hoose oo loo tartamayay 69 kursi kuwaasoo ay isu soo sharaxeen inka badan 200 musharax , is reeb reeb dheer iyo tartan adag kadib ay ku soo baxee 69 xildhibaan oo alle u qoray in ay ku guuleestaan waxay soo dhammatay habeen hore oo ku beegnayd shantii diseembar 2016, iyadoo aysan jirin dhibaato muuqata oo ka dhalatay doorashooyinka dadban ee ka socday magaalada Baydhabo.
Doorashooyinkan soo gabagaboobay waxay taariikh lama iloobaan ah u horseedaysaa Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee D.K.G. mudane Maxamed Cabdulaahi Mursal kaasoo sabab u noqday in ay si nabad ah uga dhacdo magaalada Baydhabo Dhacdo Wax badan ay Xasuusan doonaan inta samaha iyo horumarka u hiilisa ee ku nool deegaan weynaha ay ka arimiso dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.