Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay Howgallo ka wadaan tuulooyin hoostaga Degaanka Goof-gaduud.
Gudoomiyaha Degaankaasi Goof-gaduud Buurey Xasan Xuseen oo la hadlay Idaacadda wrsanradio
ayaa waxa uu sheegay Howlagaladan in ay yihiin kuwo amniga lagu sugayo.
Waxa uu sheegay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed in ay diyaar u yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada mararka qaar ka yimaada Shabaab.
Degaanka Goof-gaduud oo 30-KM ujira Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa waxaa dhowaan weerar ku soo qaaday Dagaalyahano ka tirsan Shabaab, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.