Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kaga tacsiyadeeyey dowladda iyo shacabka Turkiga dadkii ku dhintay weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan kaga tacsiyeynayaa dadkii ku dhintay weerarkii argagixiso, iyo kuwa ku dhawacmeyba. Weerarkan waxaa uu ahaa mid waxashnimo oo fuul xun. Waxaan si buuxda u garab taaganahay, murugadana la qeybsaneynaa walaalaheena Turkiga. Waxaan aaminsanahay in dhagar-qabeyaasha weerarkan geystey cadaaladda la hor keeni doono adduun iyo aakhirabaa” ayuu yiri Madaxweynaha
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay wadamada caalamka in la xoojiyo iskaashiga ku aadan sidii loo gaba-gabeeyn lahaa falalka iyo fekerka Kooxaha Argigixisada ah.