{WRSANRADIO} Guddiyada doorashooyinka heer maamul goboleedka Koofur Galbeed iyo Puntland ayaa ka soo hor-jeestay go’aankii Guddiga xalinta khilaafaadka ku laalay 11 kursi oo ka mid ahaa kuraasta Aqalka Hoose ee dhowaan lagu soo doortay xarumaha maamul goboleedyada.
Kuraasta la laalay ayaa ahaa kuwo muran iyo dacwado hareeyeen, isla markaana doorashooda loo maray qaab baal marsan sharciga doorashooyinka.
11-ka kursi ee la laalay ayaa 5 ka mid ah waxaa lagu doortay magaalada Baydhabo, waxaana uu ahaa kuraasta ugu badan ee hal maamul laga soo doortay oo la diiday.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed C/llaahi Mursal ayaa sheegay in aysan quseyn go’aanka Guddiga xalinta khilaafaadka ay ku amreen in db loogu laabto Doorashada 5 xubnood oo lagu doortay Baydhabo.
Waxaa uu sheegay in go’aankaas ahaa mid aan sax aheyn, isla markaana ay aad uga xun yihiin in maamulkooda si gaar ah loo beegsado, waxaana uu intaa ku daray inay jireen kuraas qaarkood muran ka taagnaa oo aan lagu soo darin.
“Runtii go’aankooda ma ahan mid ay xor u yihiin go’aan siyaasadeysan ayuu ahaa, oo aan waxba ka jirin, dad meel iska fadhiya oo qaab fadhi ku dirir yihiin, wax doorasho lagu celinayo ma jirto, si xor oo xalaal ayay doorashooyinkaas ku dhaceen, waxaana arrintan ka shaqeynaya dad dano gaar wata”ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Maamulka Koofur Galbeed.
Sidoo kale Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Maamulka Puntland Khaliif Aw-Cali ayaa sheegay in aysan quseyn go’aanka Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay ku go’aamiyeen in dib loogu laabto xubno lagu doortay Magaalada Garowe ee caasimada Maamulka Puntland.
Khaliif Aw-Cali ayaa sheegay doorashada labada kursi ee ka dhacday Garowe aysan ka jirin wax muran, isla markaana ku dhacday qaab waafaqsan sharciga, isagoo ku tilmaamay go’aanka Guddiga xalinta khilaafaadka uu ahaa mid aan sax aheyn.
Shaki badan ayaa laga muujinayaa awooda Guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo Guddiga xalinta khilaafaadka, iyadoo go’aano horay u soo saareen ay noqdeen kuwo aan dhaqan gelin, waxaana Guddiyada dhexdooda heer Federaal iyo heer maamul goboleed ay yihiin kuwo ku kala qeybsan go’aanada la soo saaray