Siminaarkaan Oo Socdey Mudo 4 Maalimood Ah Ayaa Waxaa Loo Qabtey sarkaal Oo Katirsan Ciidamada Booliska Gaarka ah Kg Waxaana Lagu Qabtey Taliska Kgs’
Siminaarkaan Muda Uu Socdey Ayaa Sarakiishan Waxaa Lagu Baraaayey ilaalinta xaquuqal insaanka Waxaana Soo Qaban Qaawisey hay’ada Qaramada Midowe uqaabilsan siyaasada somaliya qeybteeda ilaalinta xaquuqal insaanka.
Siminaarkaan Ayaa Waxaa Ka Qeyb Galey Wasiirka Hubka dhigista Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen(Xasan Elay) Mr Vicram Iyo maxamed Geedi Oo Ay Kasocdeen UN iyo Masuulin kale Oo kasocotey Kgs.
Iyadoo Masuulin Badan Halkaasi Kahadashey Ayaa Ugu Dambeentii Goobta Waxaa Ka Hadley Siminaarkana Soo Xirey Wasiirka Hubka dhigista Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen(Xasan Elay) Waxaa Uu Kahadley Muhiimada Uu Uleeyahay Sarakiishan Iyo Is Bedelka Uu Ku Imaan Karo Isla Dhaqanka Ciidanka Iyo Shacabkooda.
Sidoo Kale wasiirka Ayaa Waxaa Uu Mahad Ujeediyey Hay’adihii Gacanta Kageystey siminaarkaan Wuxuuna Dalbadey In Siminaarahaan Oo Kale xili walbo loo qabto kuwa kale ee harsan.