WARSANRADIO} yuusuf maxamid idiris oo lahadlay idaacada warsan ayaa sheegay in ay todobaadkii hore ay la wadeen kulamo iskuulada iyo wakiiladaha Dalladaha kala duwan iyagoo kawada hadlayayay qaabka loo qabanayo imtixaanada iyo sidii isku mar ay wada dhici lahaayeen imtixaanka.
waxaa kaloo Mr: Yuusuf uu ka hadlay waxyaabaha uu qabto gudoonka waxbarashad iyo xiliga uu soconayo imtixaanka maanta uu bilaawday ardayda kala duwan ee wax ka barata iskuulada ku yaala magaalada Baydhabo iyo xiliga ay dib u furmayaan iskuulada.
waa hanaan wanaagsan in halmar ay wada bilaawday imtixaanada iskuulada aan isku manhajka ahayn iyagoo kaashanay wasaarada waxbarashad D.K.G .S iyadoo ay jiraan manaahijyo kala duwan oo ku xiran dallada kala duwan oo ka dhisan magaalada Muqdisho.
waxa gudoonka wxabarashada ugu danbayntii sheegay in ay mustaqbalka samayn doonaan ka maamul ahaan manaahij midaysan oo ay wax ku bartaan caruurta kaasoo ku bixi doona af- soomaali si ay meesha uga baxdo waxbarashada kala manhajka ah eeay hadda wax ku bartaan ardayda ku nool guud ahaan soomaaliya gaar ahaa ardayda ku sugan deegaanada koofur galbeed soomaaliya