Xiddhibaan Prof. Idiris Cabdi Takhtar oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamanka Dowlada Soomaaliya Oo Lagu soo Doortey Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Goordhow sheegay in uu u sharaxan yahay xilka gudoomiyenimo ee Baarlamanka Soomaaliya.
Xildhibaanka oo Goordhow la Hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu u taagan yahay xilka Gudoomiyaha Baarlamanka,waxaana uu xusay in uu wax weyn ka badali doono howlaha baarlamanka Dowlada Federalka Ee Soomaaliya.
Xildhibaanka Prof.Idirs Cabdi Takhtar ayaa sheegay in uu aad ugu rajo weyn yahay in uu ku guuleyso xilka gudoomiyenimo, waxaana uu sheegay in uu la iman doono waxqabad muuqda haduu isagu helo booska gudoomiyaha baarlamanka.
Xildhibaanka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo warbaahinta ka sheega in uu u sharaxan yahay xilka gudoomiyaha Baarlamanka.
Ugu dambeyntii, Hadii uu ku guuleysto Kursiga Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, waxay taasi Meesha ka saareysa Hamiga Musharax Shariif Xasan Sheekh .
Halkan Ka Dhageyso
https://www.youtube.com/watch?v=sHqDhHHD88Y