Gaari noociisu yahay nooho oo jaada ka soo qaaday Degmada Berdaale oo ku soo jeeday magaalada Baydhabo ayaa manta la gubay kadib markii dhexda ay u galeen Al-shabaab.
Noohadii iyo jaadkii saarnaa ayaa gabi ahaanba gubtay balse waxaa ka badbaaday darawalkii waday gaariga iyo qof kale oo ilaalo ka ahaa jaadaka kuwaasoo ilaa ilaa iyo iminka la’la’yahay jaan iyo cirib meel ay dhigeen.
Markii uu dhacay qaraxa baasuukaha lagu dhuftay gaarigan , waxaa u soo gurmaday ciidamo ku sugnaa deegaanka Goof gaduud kuwaasoo markii ay soo gaareen goobta ay is rasaaseeyeen labada dhinac iyadoo aan la garanayn khasaar ka dhashay isku dhacaas.
Ma’ahan markii ugu horaysay oo al shabaab aaggaan ay ku gubto gaari qaad sida wxaa jirtay waqti soo horeeyay oo sidan oo kale loo gubay, hadana soo marista wadadan gawaarida jaadka kama joojinin oo wali way soo maraan.