Baydhabo oo xarun KMG ah maamulka koonfur galbeed ayaa waxaa soo gaaraya todobaadyadan danbe
boqolaal qoysas ah oo abaarta soo barakicisey kuwaas oo jihooyinka kala duwan ee magaalada kazoo
gaya,taas oo marka la fiiri saameyn amni ay yeelan karto dad badan ay su,aalo iska weydiinayaan sida
amniga dadkaas marka ay magaalada soo galayaan loo kontoroolo.
Taliyaha saldhiga degmada baydhabo mukhtaar axmed ibraahin oo wareysi siiyey idaacada warsan ayaa
waxaa uu sheegay iney aad ula socdaan dhaq dhaqaada bulshada magaalada soo galeysa ee deegaanada
kala duwan gobalka uga soo cararay abaarta ka jirta.
Taliye mukhtaar ayaa waxaa uu ka dalbaday bulshada reer baydhabo iney ka qeyb qaataan sugida
amniga islamarkaana ciidanka amniga ay la shqeeyaan si looga dig toonaado khataraha shabaab geystaan.
Cod
Wadooyinka kala duwan ee magaalada baydhabo laga soo galo ayaa waxaa kontoroolo ku leh ciidanka
amniga kuwaas habeen iyo maalin u taagan ilaalin kontoroolada magaalada laga soo galo,waxaana
amniga xarunta KMG ee baydhabo ay tahay xiligan mid amni wanaagsan uu ka jiro.