Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahin Geeseey oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya, ahna musharax u taagan xilka Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa uga digay Xildhibaanada cusub in ay dayacaan amnigooda.
Musharax Cabdifitaax Ibraahin Geeseey ayaa waxuu tilmaamay in loo baahan yahay in Xildhibaanada ay la yimaadaan qorshe cad oo wax ay uga qabanayaan amaankooda kadib kulamada ugu horeeya ay ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka.
Xildhibaankan ayaa tusaale u soo qaatay in Xildhibaano dhowr ah oo ka irsanaa Baarlamankii hore siyaabo kala duwan loogu Dilay Magaalada Muqdisho, isagoona taasi ku tilmaamay dayac dhanka amniga.
Shalay ayee aheyd markii Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahin Geeseey uu ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.