{WARSANRADIO} Madaxtooyada Galmudug ayaa warkan ka soo saartay kulan maanta ka dhacay magaalada Cadaado kaasoo looga hadlay go’aankii ka soo baxay Baarlamaanka Galmudug.
Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in ay dhisan yihiin dhamaan Hay’addaha Dowladda Galmudug.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan;
Dowlad Goboleedka Galmudug waa Dowlad Goboleed hay’ada heeda dowligaa ay ku dhisan yihiin sharci iyo dastuur ay sameysteen dadweynaha ree Galmudug.
Maamulka Galmudug wuxuu u taagan yahay inuu ixtiraamo kuna shaqeeyo sharciyaddaas iyo Dastuurka ay dadka ree Galmudug sameysteen, waxa kasocda
Goobta Badbaado lagu magacaabo waa mid sharci darro ah kana baxsan Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug, maxaa yeelay kalfadhi rasmi ah oo Baarlamaanku leeyahay oo furan majiro, sida kucad warmurtiyeedka uu soo saaray 5tii Jan, 2017.
Hadaba, waxaa u arkeynaa waxa maalmihii lasoo dhaafay ay wadaan qaar kamida xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay tahay fawdo, sharci darro lagu sameynayo Dowlad Goboleedka Galmudug.
Hadaan nahay maamulka Galmudug ma aqbalayno mana aqbali doonno wax walba oo kasoo baxa Goobta lagu magacaabo Badbaado.
Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug