Hal qof ayaa inta la og-yahay ku dhintay 3 kalana waa ay ku dhaawacmeen Bam lagu weeraray goob maqaaxi ah oo ku taala xaafadda Xaawo Taako ee magaaalada Beledweyne.
Dad ku suganaa goobta oo ayaa inoo sheegay in dad aan la garaneynin bam gacameed ku tuureen maqaayad lagu fiidsado xaafadda Xaawo-Taako ee magaalada Beledweyne, iyadoo kooxihii Bamka ku weeraray maqaayada goobta ka baxsadeen.
Dadka dhaawacmay ayaa la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne halkaa oo ay xaaladooda caafimaad kula tacaalayaan dhaqaatiirta isbitaalka.
Weeraradan noocan oo kale ah ayaa inta badan lagu bartilmaameedsadaa goobaha ay dadka ku badan yihiin,