Wararka ka imaanaya Degaanka Goof Gaduud Shabellow Ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in cudurka shubanka uu ku dilay Degaankaas 13 qof oo isugu jiro carruur iyo dad waaweyn.
Sida Gudoomiyaha Degaanka Goof Gaduud Shabellow Xuseen Wardheere Xasan Uu U Sheegey Warbaahinta wadani News24.com Maalmahan wuxuu cudurka shubanka ku dilay Degaanka 13 qof oo carruur u badan.
Dhan kale in ka badan 70 ruux oo cudurka shubanka uu soo ritay ayaa jiifa isbitaallada magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay iyadoona uu buux dhaafsamay isbitaalka weyn ee magaalada.
Cudurka daacuun caloolaha uu soo bilaawday wixii ka dambeeyay bishii December 2016 wuxuuna gallaaftay nolosha tobaneeyo qof halka boqolaal kale ay il daranyihiin.
Tirakoob hordhac ah oo la sameeyay ayaa sheegaya in ugu yaraan 50 qof ay celcelis ahaan cudurka u dhinteen balse wali waxaa socda la tacaalidda dadka uu soo ritay cudurkani sida ay sheegeen ilaha caafimaadka Baydhabo.
Dhaqaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in ceelasha biyaha oo biya yareeyay ay sabab u yihiin in cudurku dilaaco, tusaale ahaan xaafado katirsan magaalada dadka deggan waxay cabaan biyo lagu dhaamiyay kareetooyin (Gaari dameerro), biyahaas waxaa laga dhaamiyay ceelal gaa-gaaban oo laga dhax qoday isha Baydhabo.
Ugu dambeyntii, ilaha caafimaadka Baydhabo ayaa ka digay in cudurku sii baaho waxayna kula taliyeen shacabka in ay isticmaalaan biya nadiif ah ayna ka fogaadaan biyaha laga keeno ceelasha aan sida hagaagsan uqodnayn.
Halkan Ka Dhageyso.
Wariye Faysal Xuuseen Dhaayow, Idale News Online, Baydhabo